18mey waa maalin farxad weyn dhamaan reer somaliland oodhanba


Manta  waa  dareen 
diir  kiyo  jidhkuba
idubaa  xiyoo
dad  weynuhu  dhammaan
udabaal degeen  ayaan  diiranayd
.
Manta  waa  dareen
Damiir  nooli  uu  kuu  ducayna  yoo
Dimquraadi  nimo  dihin kii  maqnaa
Daran  doori  nahay
.
Manta  waa  dareen
Damalaw  LIXLIYO  boqolaal ka daran
Geesigii  la dilay  jannaduu  degiyo
Iilku  deeqa  yee
.
Manta  waa  dareen
Geesh  udaacadoo  aan  iyaga  dilayn
Udiyaar  yahoo  afarteeda  dacal
Ay  digtoon  yihiin
.
Manta  waa  dareen
Qarankii  la deday heeryadii  dejoo
Hooya  dalanayd  ciil kii  damqiyo
Xunku  deyna  yee
.
Manta  waa  dareen
Dekaddeenna  aan  dibad  joogihii
Baabuur  udiray  ku  soo  duulihii
Kala  dooranayn
.
Manta  waa  dareen
 dulmigii  ku helay  laga  doogsadoo
nabad  lala dersay  degganoo  yinkii
ku  dal  xiisa  yaan
.
Manta  waa  dareen
Dagaal  kii  lagalay  dan  inuu  ahaa
Waxay  doonayeen  daahir lo  arkoo
Deeq (ILAAHAY )  tahay
.
Manta  waa  dareen
Daacaddii  mar kale  xaqqu  daw marshoo
Duudsigay  galeen  wanaag  dooriyooy
Daahii  jareen
.
Manta  waa  dareen 
dubaaq  moholin uu Run udaadegoo
 dadkiisaw bandhigay Nimcadaa da,diyo
sharaf  diiranee
.
Manta  waa  dareen
Manta  waa  dareen  manta  waa  dareen
Manta  waa  dareen  dammaa  shaada hoo
Dadku  farax yihiin

Comments